madaxweyne xasan oo lakulmey jaaliyada somaliyed ee turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga, isaga oo la wadaagay dadaalka Dowladda Somaliya ay galineyso xoojinta xiriirka Labada dal.

Madaxweynaha ayaa jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga waramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in Dowladda Federaalka ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka dhageystay xubnaha jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalkaasi, sidoo kale waxa ay la wadaageen caqabadaha iyo duruufaha ay qabaan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo dal ku-joogga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadaha jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi uu kala hadli doono Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, iyadoo diblomaasiyiinta labada dal ay iska kaashanayaan, sidii ay u horumarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee Somaliya iyo Turkiga.